Akhriso:- Soomaaliya Oo Kursi Muhim Ah Ka Heshay Midawga Africa

0
57

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Midowga Afrika (African Union) ee dhinanaca kaabayaasha dhaqaalaha sida Tamarta,Biyaha,Gaadiidka ,Farsamada Macluumaadka iyo Isgaarsiinta,waxaana kursigaas kula tartamayay dowladda Kenya.

Dalalka Jabuuti,Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ayaa cadeeyay mowqifkooda ku aadan taageeridda ku guuleysiga Kursiga ay Soomaaliya kaga guuleysatay dhigeeda Kenya.

Wadamada la isku yiraahdo Bariga Afrika (Eastern African) waxey ka kooban yihiin 13 dal waxayna xaq u leeyihiin in ay hal kursi oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ku mataalaan Midowga Afrika (African Union) dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha.

Kursigaas waxaa ku fadhiyay dowladda Itoobiya oo muddo xileedkeedii dhameysatey,waxaana la soo bandhigey cidda mataleysa wadamada Bariga Afrika,dalal badan oo isku soo sharaxey ka dib waxaa ugu dambeyntii isku soo harey Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu dambeyntii Soomaaliya ayaa noqotey hormuudka wadamada Eastern Afrika isla markaana ah gudoomiya ku xigeenka labaad ee African Union dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha.

Waa qayb kale oo muhiim u ah dalkeena marka loo eego dib u soo kabashada iyo ka dhex muuqashada golayaasha siyaasadda iyo dhaqaalaha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here