Muqdisho, Haweeney Ku Umushay Geyrash Hortiis

0
26

Wararka Maanta Aynu Ka Heleyno Magaalada Caasimadda Ah Ee muqdisho Ayaa waxa Ay Sheegayaan In Haweeney Ka Mid Ah Dadka muqdisho Ay Saaka Salaaddii Subax Ka Dib Ku Umushay Jid Banaan Ah Oo Ku yaal Gudaha Magaalada Caasimadda Ah Ee muqdisho.

Dhacadadaan Ayaa Si Gaar Ah Uga dhacday Xaafadda Al-baraka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Goob-Joogayaal Ku Sugan Xaafadda Al-baraka Oo Aynu La hadalnay Ayaa Inoo Xaqiijiyey In Haweyneydaan Ay ciidamada Ammaanku U diideen in La gudbiyo Kuwaas Jidka u Go’naa.

Ciidamada Is Hortaagga Ku Sameeyey Haweyndaan Ayaa Ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Ee Koofiya Gaduud kuwaas Oo ku Sugnaa wadada.

Goob-Joogayaal Ayaa Sidoo Kale Noo Sheegay In haweyneydaan Markii Hore Laga Soo celiey Warshadda Caanaha Ee U Dhaw Isbitaalka Xoogga Ee muqdisho.

Haweyndaan Ayaa Ugu Dambeyn Ku Umushay Goob Gareysh Hortiis Ah Oo Banaan Sida Ay Goob-Joogayaashu Noo Xaqiijiyeen.

Markii Ay Umushay Haweyneydu Ka Dib ciidamada Ilaalida Madaxtooyada Soomaaliya Ayaa Dalbayu Gaadiidka Gurmadka Deg-Dega Ah Waxaana Intaasi Ka Dib haweynda Iyo Caruurkii Ay dhashay Loo Qaaday Isbitaalka Banaadir ee Muqdisho.

Tani Ma Ahan dhacdo Ugub Ku Ah Muqdisho Oo toddovaakii Hore Sidaan Oo Kale Labo Haweeney Ah Ayaa Ku Dhashay wadooyinka muqdisho Kuwaas Oo Isugu Jiray Kuwa ciidamo Amaanku Diideen In La Gudbiyo Iyo kuwa laga Hor istaagay qaar Ka Mid Ah Xarumaha Caafimaad Ee Muqdisho Ku Yaal.

Sidoo Kale inta badan Maanta Waxaa Xiran Waddooyinka Magaalada Caasimadda Ah Ee muqdisho Maadaama Ay Ciidamada Xoogga Dalka U dabaal-dagayaan 59-Sano guuradii Kasoo wareegtay Aas-Aaskii ciidanka Xoogga dalka Ku Beegneyd Maalinta berri Oo Ah 12-April Balse Hal Malin Laga Soo Hormariyey Oo Maanta Loo Dabaal degayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here