Dhageyso:- Hawl-gallo Dad Lagu Soo Qabtay Oo Cadaado Laga Sameeyey

0
216

Maalmihii Dambe Magaalada Cadaado Ee Xarunta Baarlamanka Maamulka Gal-Mudug Waxaa Xilliyada Habeenkii Ah Ka Dhacayey Falal Lid Ku Ah Amniga Kuwaas Oo Sameynayeen Qaar Ka Mid Ah Dadka Ku Dhaqan Degmada.

Inta Badan Falalkan Dad Geysanaya Ayaa Kuwa Ka Shaqeysta Dhismaha Oo isugu Jira Fuundiyaal Iyo Shaqaalaha Kale Ay Isku Hawsha Yihiin.

Dadka dhismaha Ka Shaqeysta Ee U Dhashay deegaanka Ayaa Inta Badan Cadaadis Ku Haya Dadka Kale Ee Ka Yimid Meel Ka Baxsan degmada kuwaas Oo Magaalada Ka Dhjex-Shaqeysta.

Raggan Dilka Geysanaya Ayaa Afka Soo Xirta Ka Dibna Si Toos Ah U Abaara Goobaha Ay Magaalada Kaga Sugan Yihiin Dadka Dhismaha Ka Shaqeysta Ee Ku Nool Gudaha Magaalada.

Sababta Ayaa Lagu Sheegay in Ay Tahay Ka dib Markii Dadka U Dhashay deegaanka Ay U Arkeen Dadkaan Kale Ee Shaqo Doonka U Yimid degmada In Ay Caqabad Ku Yihiin Hawshooda Maadaama Sida Ay Tilmaameen dadkaan Ku Shaqeynayaan Laacgo Aad U Hooseeya.

Intaa Ka Dib Waxaa Xigay Hawl-gallo Ciidamada Ammaanku K aSameeyen Hawl-galkaas Oo Uu Hormuud Ka Ahaa Maamulka degmada Cadaado Lana doonayey In Lagu Soo Qabto Dadka Falalkaasi Ka Dambeeya.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Abdullahi Abdirahman Hussein Tootoole Oo Maanta Saxaafadda kula Hadlay Cadaado Ayaa Sheegay In hawl-galladaas usoo Qabteen Illaa Iyo 10-Ruux 7-Kalena Lagu Daba-Jiro Sida Uu Sheegay guddoomiye Tootoole.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyaha Degmada Cadaado:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here