Dhageyso:- Cabud-Waaq, Askar Mushaar la’aan Ka Cabaneysa

0
123

Askar Ka Tirsan Ciidanka Booliska Ee Ku Sugan Degmada Cabud-Waaq Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud Ayaa waxa Ay ka Cabanayaan Muddo Bilooyin Ah Oo Aysan wax Mushaar Ah Qaadan.

Askartan Mushaar la’aanta Ka Cabaneysa Ayaa Waxa Ay Ka Tirsan Yihiin Ciidanka Booliska Faderaalka Ah Ee Ka Hawl-gala Deeganada Maamulka gal-Mudug.

Waxa Ay Tilmaameen in Askarta Qaar Uu Ka Maqan Yahay mushaar Labo Bilood Ah Halka Kuwa Kale Aysan Wax Mushaar Ah Qaadan Saddexdii Bilood Ee Ugu Dambeysay Sida Ay Sheegaan Askar Lasoo Xariirtay Radio Cadaado.

Sidoo Kale Askartaan Ayaa Xustay In Dhawr Maroo Hore Xariir La Sameeyeen Taliska Degmada cabud-Waaq Oo Ay Hoos Tagaan isna Ku War-geliyey In Uusan Ogaan Badan U Laheyn Halka Uu ku Maqan Yahay Mushaarkii Askarta Qaar.

Askartan La Hadashay Radio Cadaado Ayaa Carrabka Ku Dhuftay In Dhamaman Lacagta mushaarka Ahi Aysan Ka wada maqneyneyn Ciidanka Balse Qaar Ka Mid Ah Ay Mushaardaadkooda Qaataan Bil walba.

Dhinaca Kale Xariir Aan La Sameynay Taliyaha Saldhiga Degmada cabud-Waaq Maaxmed Maxamuud Cadde Si Aan Wax uga weydiino Waxyaabaha Uu ka Ogsoonyahay Maqnaanshiyaha Mushaarka Askartan Cabaneysa Ayaa Ka gaabsaday In Uu Si Faah-Faahsan Kaga Hadlo.

Waxa uu Sheegay In Waqtigaan Aanu Diyaar U Aheyn Ka hadalka Mushaar La’aanta Ay Ka Cabanayaan Qaar Ka Mid Ah Askarta Booliska Degmada Cabud-Waaq Ee waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud.

 

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Askarta Oo Dhameystiran:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here