Dhageyso:- Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dalka Suudaan

0
88

Wasiirka gaashaandhigga Suudaan Cuwad Bin Cawf ayaa shaaciyey in ay xididada u siibeen taliska Suudaan isla markaana ay xidheen madaxweyihii hore ed Albashiir.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegey in labo sanno oo ku meel gaadh ah talada hayn doonaan guddi nabadgalyo oo uu isagu madax u yahay .

Waxaanu intaa raaciyey in ay dalka ku soo rogeen 3 bilood oo xaalad degdeg ah iyo bandow hal bil ah oo ka bilaabmaya 10ka habeenimo illaa 4ta aroornimo.

Bayaanka Ay Soo Saareen Guddiga Amniga Millatariga Suudaan Ayaa Sidan U Qornaa:-

• Waxaa talada laga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir oo 30 sanno maamulayay dalka suudaan

• Waxaa la’laalay dastuurka dalka suudaan

• Waxaa la kala diray golaha baarlamanka iyo kan wasiirada

• Waxaa la’casilay dhamaman madaxda maamul goboleedyada dalka Suudaan

• Dalak waxaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah oo 3ddex bilood socon doonta

• Waxaa magaalooyinka dalka suudaan lagu soo rogay Bandow

• Muddo laba sanno ah waxaa maamulaya dalka Suudaan Guddiga amniga ee ka kooban Saraakiisha Milataarka

• Waxa la’xannibay duulimaadka soo gala ama ka baxa dalka suudaan

• Waxaa la’amray in xabsiyada laga sii daayo Maxaabiista siyaasadeed ee xiran

• Guddiga waxa waajibiyeen in Safaaradaha Suudaan ay shaqooyinkooda sii wataan

• Waxaa sidoo kale Garsoorka iyo Maxkamadda sare ee dalka la’amray in ay shaqooyinkooda sii wataan

• Waxaa la’amray dhammaan maleeshiyaatka hubeeysan in ay ku biiraan ciidamada ammaanka

• Ciidamada ammaan waxaa la’amaray in ay u istaagaan xaqiijinta amniga Muwaadinka suudaan

• Waxaa la’amray xabad joojin ka dahqan gasha

dhammaan dalka suudaan Waa qaar ka mid ah qodobada ay soo saareen guddiga amniga milataarka suudaan ee talada ka tuuray Madaxweyne Cumar Al-Bashiir.

Dhinaca Kale Arrintaan Ayaa Saameyn Ballaaran Ku Yeelatay Soomaalida Ku Nool Gudaha Dalkaasi gaar Ahaana Magaalada Caasimadda U Ah Ee Khartuum.

Qaar Ka Mid Ah Goobaha Waxbrasho Ee Dalkaasi Ayaa Horay Loo Xiray Xilligii Ay Banaanbaxyadu Dalka Ka Socdeen Sidoo Kale Xarumo klae Ee Waxbrasho Ayaa Lagu Dhawaaqay In Hadda La xiray Oo Ay Ka Mid Tahay Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Africa.

Abdifatah Isse Hashi Oo Ka Mid Ah Ardeyda Wax Ka Barata Dalkaasi Oo La Hadlay Radio Cadaado Ayaa Tilmaamay In Hadda Xaaladdu Ay Degan Tahay Talada Dalka Ay Millatarigu La Wareegeen.

 

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhameystiran:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here