Dhageyso+Akhriso-Warbixin:-Khilaafka iyo Kalaqaybsanaanta Galmudug Saamayn Makuyeelan Kartaa Doorashada Galmudug

0
475

Shacabka Galmudug Waxa ay iskudiyaarinayaan in ay Kabaxaan Qilaafkii iyo Klaqaybsanaantii Sadexdii sano ee ugu Dambaysay Ragaadidiyayay Maamulkii ay Mar uun Kutaami jireen in Layagleelo si uu ugu Noqdo mid mideeya Bulshada Galmudug oo Colaado iyo Dhibaatooyin  Kasoodaalay Lana Galo Doorasho Lagu Dooranayo Hogaamiye Cusub Oo Wax Kabadala Nidaamkii isku dhaxyaaca ahaa Ee Galmudug Waqtigeeda inta Badan ku dhamaysatay.

Hase ahaatee Ma,ahan Mid sahlan in Doorasho si Fudud Xiligaan uga Dhacdo Galmudug Walow Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dib u hishiisiinta ay Kudhawaaqday in Doorashada Galmudug Xiligeeda Lagu Qaban doono.

Maamulada ay ukala Qaybsantay  Galmudug Ee Fariisimaha Kakaladhigtay Dhuusamareeb-iyo Caddado ayaa Siwayn isku Eeganaya Hawadana isku Marinaya Hadalo Xanaf leh oo Kusalaysan kalafogaansho iyo Qilaaf siyaasadeed Oo Xidido yeeshay.

Hogaamiyihii ururkii Ahlu-suna Ee Kubiiray Galmudug Shiiq Maxamed Shaakir Cali Xassan oo Majaraha uhaya Garabka Galmudug Ee Dhuusamreeb Kusugan ayaa iska fogeeyay Doorasho Dhawaan Kadhacda Galmudug.

Waxa uu sheegay isaga oo Saxaafada Kulahadlay Caasimada Galmudug Dhuusamareeb in isaga iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf uu Mudo Xileedkooda Kabilawday Marki ay Hishiiska Kukalasaxiixdeedn Magaalada Jibuuti Ee Caasimada Dalka Jibuuti.

Su,aasha ugu Horaysa Ee Kadhalanaysa Haladalka Shiiqa Siyaasada Kumilmay ayaa Ah Maxuu ahaa Axmed Ducaale Geele Xaf Kahor isku Darkii Maamulada Galmudug iyo Ahlu-suna Iyo Hishiiskuu Jabuuti Dhankale Aan Ka,eegno

Hadalka shiqa ayaa Muran kadhax abuuray Bulshada Galmudug Waxa uuna Banaanka Keenaya Mowqifka Ahlu-suna Oo aan Wali asal ahaan Burburin Loona Galiyay Shaatiga Galmudug iyo Hogaamiyaha aan Garabka Kale haysan Ee Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Durba Wasaarada Arimha Gudaha iyo Dib u Hishiisiinta Dawlada Fidraalka soomaaliya ayaa Kugacan Sayrtay Hadalka Shiiqa Waxa ayna Wasaaradu sheegtay in Doorshada Waqtigeeda lagu Qaban doono.

Garabka Galmudug Ee Kusugan Dhuusa-mareeb Qaarkood Waa ay iska Diideen Mudo Kordhinta uu u Xusul Duubayo shiiq shaakir Cali Xassan Waxa ayna sheegeen in ay waajibtahay in Doorashada Galmudug Waqtigeeda Lagu Qabto Maadaama ayay yiraahdeed Axmed ducaale Xaaf uu kuguul Daraystay Kuhogaaminta Galmudug Ee Hormar iyo Dib u hishiisiin.

Dhinaca Kale Garabka Galmudug Ee Caddado Fadhigooduyahay Waxa ay isku diyaarinayaan in ay Dhacdo Doorashada si Looga Gudbo Kalaqaybsanaanta.

Xubno Katirsan Wasiirada uu Soomagacaabay Hogaamiyaha La,ilaaway Meel uu Kudambeeyay Baasto Waxa ay sheegeen in dhawaan Kalfadhigii ugu Dambeeyay ay Caddado kuyeelan Doonaan Golaha Baarlamaanka Galmudug Si loogu Gudbo in Doorasho dhacdo.

Waa Aduunyo Kalamaana,Dadku isdiidanyahay,Xilkii uu Noqday Mid Maal lagu Raadsado,Bulshadiina Ladayacay aysana jirin Cidkafikiraysa Bulashada Danahooda Waliba Xiligaan oo Abaaro ay Jiraan ayaa Ladoonayaa in La,abuuro Qilaaf siyaasadeed kii ugu Waynaa Ee Galmudug Soomara.

Hadii Dawlada Dhexe Ku adkaysato in Laqabanayo Doorashada Galmudug Waliba Xiligeed Halkee ayuu iska taagi doonaa Shiiq shaakirka Fadhigiisu yahay Dhuusa-mareeb miyuuse Dib ugu Laban doonaa ururkii uu Hogaamiyaha u ahaa Ee Ahlu-suna mise Hadalka Dawlada ayuu Raacidoonaa Silooga Gudbo Dhibaatada Joogtada ah Ee Shacabka Reegalmudug Haysata Waa Maamul La,aantee.

Shacabkase Maxaa Lagudboon Hadii ay Maamulka Galmudug oo Mudadii uu Jiray Saddex Hogaamiye Yeeshay Kalaqaybsanaan iyo Kafogaansho mooyee aanana Laga dhaxlin Horamar Lagutaamo.

Sikastaba Waxaa isha Lagu Wada Hayaa Waxa dhicidoona Marka Lagaaro Waqtiga Doorashada Galmudug Siloohelo Hab Kaduwan Maamulkii Jahawareerka Qaska iyo Fawdada intisa Badan Waqtigiisa Kusooqaatay.

 

W/Q:-Shaafici Shariif Maxa’muud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here