Saraakiil Cusub Oo Loo Magacaabay Qeybta Booliska G/Banaadir & Saldhiga Degmada Hodon

0
126

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xilalkii ka qaaday taliyaha qeybta Waliyow Cadde ee G/Banaadir iyo qaar ka mid ah taliyeyaasha Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidamada Boolisa ayaa u magacaabay C/fataax Bashiir Cali inuu noqdo taliyaha Qeybta Weliyow Cadde ee Gobolka Banaadir oo ay hoos yimaadaan degmooyinka Muhiimka ah ee ay ku yaallaan Xarumaha dowladda sida Madaxooyada.

Waxaa kaloo taliye xigeenka Qeybta Weliyow-Cadde loo magacaabay Shuceyb Cabdi, iyadoo isna Bashiir Cabdi Siyaad oo loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliiska ee Degmada Hodan.

Magacaabiddan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xaalada amniga caasimadda uu sii xumaaday, Maanta weerar lagu qaadya Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee degmada Shangaani oo ilaa 10 qof lagu dilay, kuwaasoo uu ka mid ahaa Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saqra Ibraahim Cabdalla

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here