Baaq Loo Diray Xildhibanada Golaha Shacabka Ee Ku Maqan Safarada Dibadda

0
64

Xili shalay lagu dhawaaqay in 27-ka bishaan in uu furmayo Kal-fadhiga 5-aad ee golaha shacabka kuna began Arbacada soo socota ayaa dhinaca kalana baaq loo diray Xildhibaanada ka tirsan golaha eek u maqan dalka dibadiisa halka kuwa kuwa ku suga gudaha magaalada Muqdisho la faray in ay diyaar garoobaan.

Xoghayaha Guud ee golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinyta ayaa sheegay in la farayo Xildhibaanada ku maqan safarada in ay deg deg ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho inta kalana looga baahanyahay in ay mujiyaan diyaar garowga ka qeybgalka furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee golaha Shacabka Somalia

Shalay ayay aheyd markii gudoomiyaha golaha shacabku uu shirk u gudoomiyay kulan ay yeesheen gudiga joogta kaas oo Ajandihiisu ahaa mudeynta furitaanka fadhiga golaha,iyada ii ugu dambayntii la go’aamiyay 27-ka bishaan in uu furmo Kal-fadhiga 5-aad ee golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here