RW Kheyre oo shaaciyey Natiijada kulankii uu la yeeshay Axmed Madoobe

0
16

Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa soo bandhigay najiijada kasoo baxday kulamadii uu la qaatay Madaxweynaha Jubbaland inta uu ku sugan yahay Magaalada Kismaayo xilli ay horay u jirtay in uu khilaaf ka dhaxeeyay Dowladda federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare kheyre in wax walba oo khilaaf ah oo jiray lagu dhameeyey wadahadal,isla markaana inta dhiman lagu dhameystiri doono Magalada Muqdisho oo uu imaanayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in os qabqabsiga uu qeyb ka yahay dowladnimada, hayeeshee ugu dambeyn laga gaaray xal khilaafkii ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa munaasabad xalay lagu qabtay kismaayo ka sheegay in uu dhamaaday khilaafkii ka dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, isla markaana dhawaan uu tagayo Magalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here