Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho

0
18

Qarax lagu xiray gaari ayaa Goordhow waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha Wadada Maka almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa RadioCadaado

u sheegay in gaari Saruf uu ku qarxay kasoo hojeedka Hotelka Furat oo u dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga qaraxa lagu xiray uu lahaa Taliyaha qeybta baarista ee  Xarunta Dambi-Baarista ee CID-da, sida ay sheegayaan goobjoogayaal la hadlay RadioCadaado

Ma jiraan wax khasaaro oo ka dhashay qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada  booliska Soomaaliya ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameynaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here