Todobaad gudihiis qofkii labaad oo Soomali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

0
19

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta kooxo hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikan ah ay Muwaadin Soomaaliyeed ku dileen Gudaha dalkaas.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cabdi Fitaax Cali Xoosh,waxana Burcada sida la sheegay ay ugu tagtay Goob Ganacsi uu ku lahaa Xaafadda Mamelodi hoostimaada Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Waa qofkii labaad oo Soomaali ah oo todobaad gudihis lagu dilo dalka Koonfur Afrika,waxaana Iniintii la soo dhaafay ay todobaadkaan Tuulo hoostagta Magalada waxaa lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xuseen Muxumed Xasan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sadkan 2019 waxaa kusoo kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsatada,waxaana weli jirin cid isku-dayday inay ka hor tagto dilalkaas ee labada dal Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here