Madaxweyne Geelle oo France ka dalbaday taageeridda Soomaaliya

0
30

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Faranciiska  Emmanuel Macron in uu gacan weyn ka geysto sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa Ammaan iyo kala dambeyn, islamarkaana kaabayaasha dhaqaallaha dib loogu dhisi lahaa.

Madaxweyne Geelle ayaa Ammaanay dadaalka ay dalalka Yurub ugu jiraan sidii Soomaaliya ay u taageeri lahaayeen, waxaana uu sheegay in Kooxaha Burcadbadeeda Soomaaliya hadda lasoo Afjaray loona baahan yahay in loo jiheysto dhanka dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Faranciiska ayaa sheegay in booqashadiisa uu ku marayo geeska Afrika ay tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dalalka geeska Afrika , islamarkaana loo soo Afjari lahaa dhibaatooyinka ka taagan.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqashada uu ku marayo waddamada geeska Afrika ka billaabay dalka Jabuuti.

Booqashadiisa  Jabuuti iyo Itoobiya kaddibna wuxuu Macron uu booqasho ku tagay dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here