Labo Madaxweyne oo kaliya oo tagay Shirka Africa-Now

0
30

Dood badan ayaa ka dhalatay sababta Madaxweynayaasha Qaaradda Afrika ay inta badan uga baaqdeen  shir diiradda lagu saarayay  arrimaha nabadgalyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha Qaaradda Afrika ee ka dhacay dalka Uganda.

Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Rwanda, Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Rwanda ayaa dhammaantooda ka baaqday Shirka, waxaana taasi badalkeeda ka qeyb galay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalkaasi sidda ku Cad Warqadda Khudbadjeedinta Shirka.

Labo Madaxweyne oo kaliyah ayaa tagay Shirka, waxaana ay kala ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

Madaxweynaha Uganda ayaa si weyn Shirka uga dhexmuuqday oo marti loo yahay, waxaana uu ahaa Shaqsigii furay, ka dibna soo xiray.

Inta badan Shirkaan waxaa ka qeyb galay Wasiiradda Ganacsiga iyo Arrimaha dibadda ee dalalka Afrika, waxaana kaliyah Madaxweyne ku xigeeno soo diray dalalka kenya iyo Tansania.

Shirkaan ayaa waxaa buux dhaafiyay wakiillo ka socday hay’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa ilaa kun oo ka qeyb galay shir-madaxeed looga hadlayay  sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here