Gudoomiyaha degmada Hodan oo Maxkamad looga yeeray

0
114

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka G/ Banaadir warqad caawa xafiiskiisa ka soo baxday ayaa lagu amray in Guddoomiyaha Degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun uu Maxkamada hor yimaado si su’aalo looga waydiiyo eedeymo loo haysto.

Guddoomiyaha ayaa loo heystaa in uu ku xadgudbay Sharafta Garsoorka dalka islamarkaana uu isticmaalay Awood aan loo idman.

Guddoomiye Dhagajuun ayaa lagu heystaa inuu fara gelin toos ah ku sameeyay kiisas yaallay maxkamada degmada Hodan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here