Bulshada ku nool caasimadda Muqdisho oo noqday dhibanayaal

0
178

Bulshada ku nool caasimadda Muqdisho ayaa noqday dhibanayaal goobjoog u noqda amnidarada ka taagan caasimadda Muqdisho ee Dowladda Federalka Somaliya ay wax ka qaban la’dahay, iyadoo weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaab ay ka gaysteen Muqdisho ay ku nafwaayeen shacab Somaliyed, sidoo kalena hantidooda ay ku bur burtay.

Amnidarada ka taagan Muqdisho, waxaa sii dheer inaysan jirin dabagal & tixraac lagu sameeyo meesha laga soo abaabulo qaraxyada iyo falalka amnidarada ee Shabaab ay ka gaystaan Muqisho, maadaama falka uu yahay ka hor & kadaba tag, taasi oo u muuqata dowladda inay labada dhinacba ku guuldareysatay.

Weerar qaatay 21 saacadood oo Shabaab ay ka fuliyeen dhismayaal ganacsi oo ku yaalla wadada Maka Al-Mukarama, ayaanan jirin masuuliyadda amnidaradaasi illaa hadda cid dusha loo saaray oo qaadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here