Cabsi laga qabo dagaal dhaxmara Pakistan iyo India

0
63

Dowlada Pakistan ayaa sheegtay in ay soo riday labo diyaaadood oo katirsan kuwa xooga dowlada Hindiya kuwaas oo dul heehaabayay gobolka labada dowladood ay ku muransanyihiin ee Kasmir.

Afhayeen u hadlay milatariga Pakistan ayaa sheegay in labada diyaaradood ay kusoo dhaceen qaybta ay Paksitan ka maamusho gobolka Kashmir isagoona intaasi sii raaciyay in gacanta ay ku hayaan labo duuliye.

Illaa iyo haatan majiraan wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka Hindiya oo ku aadan weerarkan looga soo riday qaar kamid ah diyaaradahooda iyadoona sidookale ay Pakistan beenisay wararka sheegaya in lasoo riday diyaarad ay leedahay.

Weerarkan ayaa imaanaya saacado ka hor markii dowlada Paksitan ay ku hanjabtay in jawaab cad ay kabixinayso weerarkii dhanka cirka ahaa ee shalay dowlada Hindiya ku qaaday gudaha dalka Pakistan gaar ahaan xerooyin ay ku sugnaayeen maliishiyaad mucaarad ku ah dowlada Hindiya.

Labadan quwadood ee dariska ah kuna hubaysan hubka Niyukleerka ayaa dhawr jeer oo hore waxaa dhaxmaray dagaalo lagu hoobtay dagaaladaas oo dhacayay tan iyo wixii kadanbeeyay markii ay xornimada ka qaadeen dowlada Britain sanadakii 1947’dii iyagoona isku heesto lahaanshaha gobolka ay muslimiintu ku badanyihiin ee Kashmir.

Xiisada labada dal ayaa sara u kacday tan iyo wixii ka danbeeyay 14’kii bishan Febaraayo markaas oo weerar ismiidaamin ahaa oo kadhacay qaybta dowlada Hindiya ay gobolka Kashmir ka maamusho ay ku geeriyoodeen inkabadan 40 kamid ciidamada booliska ee sida milatariga u tabaran ee dowlada hindiya.

Inkastoo masuuliyada weerarkaasi ay sheegatay kooxda lagu magacaabo Jeeshul Muxamed ee fadhigeedu yahay gudaha dalka Pakistan haddana dowlada Hindiya ayaa Pakistan dusha ka saartay masuuliyada weerakaasi.

Weerarkaas buuqa badan kadhax dhaliyay labada dal ayaana noqday kii xumaa oo tira intaasi la’eg ay ku geeriyoodaan mudo 30 sano ah.

Sidookale maalinnimadii talaadada ahayd isku dhacyo dhexmaray ilaalada xadka kala qaybiyo qaybaha ay kakala maamulaan gobolka Kashmir ayaa waxaa ku geeriyooday 4 ruux oo labo kamid ah ay yihiin caruur.

Wadamada midowga Yurub iyo dowlada mareykanka ayaa isku mid ah ugu baaqay in xal laga gaaro xiisada kasoo cusboonaatay wadamada Hindiya iyo Pakistan iyagoona ugu baaqay in wadahadal lagu dhameeyo waxyaabaha ay labada dhinac ay kala dalbanayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here