Kheyre Oo Daahfuray Mashruuca Dhismaha Waddooyinka Isku Xira Muqdisho,Afgooye Iyo Jowhar

0
127

Raā€¯iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho,Afgooye iyo jowhar.

Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku guuleysatay dhismaha waddooyinkan ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan sidii loo dhisi lahaa wadooyinkan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa goob joog ka ahaa madasha heshiiska lagu kala saxiixday.

Dowladda Qadar ayaa maalgelineysa dhismaha waddooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Labada Shabeelle.

Dhismaha wadooyinkan ayaa waxay muhiim u yihiin isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka qaada,kuwaasi oo dhibaato weyn ku qabay bur burka wadada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here