Sababta Uu Isku Casilay Mid Kamid Ah Wasiiradii Uu Magacaabay Madaxweynaha K/GalbeedSidoo kale waxa uu sheegay Yalaxoow (Catoosh) in beesha uu ka soo jeeday ay filesyay Wasiir buuxa in ay ka helaan Golaha Wasiiradda cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Lafta-gareen. Cabdisalaan Cabdullaahi Yalaxoow (Atosh) ayaa kamid ahaa Wasiir kuxigeenadii uu galabta ku dhawaqaay Madaxweynaha Koonfur Galbeed,hayeeshee waxa uu sheegay shaaciyay Caawa in xilkaasi uu Iska Casilay.

0
106

Cabdisalaan Cabdullaahi Yalaxoow (Catoosh) oo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gaeen u magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka dhulka iyo Cirka ayaa ku dhawaaqay in uu xilkaa iska casilay.

Wasiir kuxigeenkii Gaadiidka dhulka iyo Cirka ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Catoosh  oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in sababta uu is ku casilay ay tahay in xilkaasi uu ku qance waayay,isla markaana beeshiisa  aysan u qalmin xilkaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Yalaxoow (Catoosh) in beesha uu ka soo jeeday ay filesyay Wasiir buuxa in ay ka helaan Golaha Wasiiradda cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Lafta-gareen.

Cabdisalaan Cabdullaahi Yalaxoow (Atosh) ayaa kamid ahaa Wasiir kuxigeenadii uu galabta ku dhawaqaay Madaxweynaha Koonfur Galbeed,hayeeshee waxa uu sheegay shaaciyay Caawa in xilkaasi uu Iska Casilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here