Isbuurasho ay dadi ku dhinteen oo ka dhacday dalka Nigeria

0
35

Dhawr ruux ayaa dhimatay halka kuwa kalana ay dhaawacmeen kadib markii isbuurasho ay ka dhacday gudaha dalka Nigeria.

Isbuurashada ayaa timid kadib markii tobanaan kun oo ruux ay isku yimaadeen garoon lagu ciyaaro kubada cagta oo ku yaalo magaalo ku taalo koonfur bari dalka Nigeria.

Isku imaatinka ayaa taageero loogu muujinayay Madaxwaynaha dalkaasi Mahamaduu Buhari oo dhawaan ku dhawaaqay in markale uu u taaganyahay xilka madaxtinimo ee dalkaasi.

Madaxwayne Buhari oo halkaasi qudbad ka jeediyay ayaa sheegay in uu doonayo in markale uu ku guulaysto xilka madaxtinimo ee dalka Nigeria isagoona sidookale sameeyay balanqaadyo hor leh.

Mr Buhari ayaa doorasho adag kala kulmaya madaxwayne ku xigeenkiisii hore ee Atiku Abuubakar.

War kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha ayaa lagu sheegay in isbuurashadii ay dadka ku dhinteen kuwo kalana ay ku dhaawacmeen ay hayd mid musiibo ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here