Shir Madaxeedka Dalalka qaarada Afrika oo maanta ka furmaya Itoobiya.

0
58

Shir Madaxeedka dalalka Qaaradda Afrika ayaa maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa dalka Itoobiya.

Waxaana  sannadkan shirka looga hadli doonaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal-jeedin ku leh shirka waxuuna khudbadiisa diiradda ku saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aadan arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here