Milateriga dalka Chad oo gacanta ku dhigay in ka badan 250 dagaalyahan

0
99

Milateriga dalka Chad ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay in ka badan 250 dagaalyahan oo fallaago ah, ka dib hawlgal uu ku beegsaday Kooxo doonay inay dalkaasi kaga soo tallaabaan xuduudda Liibiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay milateriga ayaa lagu sheegay in tiradaasi badan ee dagaalyahannada la qabtay ah ay ku jiraan afar taliye, halka ay hawlgalkaasi ku gubeen 40 gaari oo ay wateen xooggagaasi.

Diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska oo gacan siinaya milateriga milateriga Chad ayaa maalmo ka hor dhowr goor duqeymo la beegsaday kolonyo fallaago ah oo marayay gobolka Ennedi.

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa u suurtagashay inay boqolaal kilo mitir gudaha u soo galaan dalka Chad ka hor inta aan laga hortegin sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here