Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Baay

0
92

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in meel duleedka ka ah deegaanka Goofgaduud ee Gobolkaas uu ka dhacay qarax khasaaro geystay.

Qaraxaan oo ahaa miinada mooca dhulka lago aaso ayaa waxaa ay la kacday Gaari dameer ay saarnaayeen Haweeney iyo Seygeeda,kuwaas oo kusoo jeeday Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Kana yimid deegaanka Goofgaduud.

Wariyaasha ayaa soo sheegaya in deegaanka qaraxa miino uu ka dhacay lagu Magacaabo  Haweenka,isla markaana  8km uu duleedka ka xigo deegaanka goofgaduud oo hoostaga Magalada Baydhabo.

Haweeney iyo seygeeda oo Gaari Dameerka watay ayaa ku Dhaawacmay qaraxaas,waxaana dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Weyn ee Magalada Baydhabo,waxaana wariyaheena uu soo sheegayaa in dhaawaca ninka uu yahay mid culus.

Inta badan wadada xiriirisa Magalada Baydhabo iyo deegaanka Goofgaduud ayaa waxaa qaraxyo lagula eegtaa Ciidamada dowladda ee mararka qaar wadadaas isticmaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here