Sawirro:-Ma Dhabbaa In Ciidamo Ay La Wareegeen Xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle?

0
157

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shir Gudoomiyay kulanka Golaha Wasiiradda maamulkaasi,waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo dhammaan Golaha Wasiirada.

Intii uu kulankaan socday waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen Xaaladaha Amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo arrio kale.

Sidoo kale diyaarinta Dufcadii 2aad ee gali lahayd Tababarka Ciidanka Booliiska iyo in ay door muuqdo ku yeeshaan Haweenka Ciidamada Cusub ee Booliiska ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada waxay beeniyeeen Wararka been abuurka ah ee baraha bushada laga baahiyay ee ah in Ciidan ka socda Madaxtooyada Hirshabeelle ay la Wareegeen Xaruntii uu ku shaqeeyaynayay Golaha Wakiilada ee Dowad Goboleedka  Hirshabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here