Sawirro:-Maamulka Jubbaland Oo Kismaayo Kusoo Bandhigay Waxyaabaha Qarxa

0
157

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay Magalada Kismaayo kusoo bandhgeen Miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ay sheegeen inay fashiliyeen.

Saraakiisha Nabadsugida Jubbaland ee ku sugnaa goobta lagu soo bandhigayay Miinada ayaa waxa ay sheegeen in lagu aasay xaafada Via-Afmadoow Waaxda Buulafatuuro ee Magalada Kismaayo.

Hayeeshee sida ay sheegeen la doonayay in dadka Shacabka ah lagu dhibaateeyo,waxaana ay sheegeen in Al-Shabaab ay Miinadaasi dhulka geliyeen.

Si kastaba taliyaha Hay’adda Nabadsugida Jubbaland ayaa dhowr mar soo bandhigay minooyin ay sheegeen inay fashliyeen,hayeeshee weli Al-Shabaab aysan weli ka hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here