Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Jubbaland Oo Taageeray Howlgalka MD Axmed Madoobe Uu Sheegay In Jubbooyinka Looga Saarayo Al-Shabaab

0
150

Kulan lagu taageerayey howl-galka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ee ka dhanka ah Al-shabaab islamarkanaa dhawaan ka bilaabanaya degmooyinka gobolka Jubada dhexe ee gacanta Al-shabaab ku jira ayaa lagu qabtay Magaalada Gaarisa.

Kulankan oo ay ka horreeyeen kulamo kale oo isla arintan looga hadlayey waxaa soo qaban-qaabiyey xubnaha golaha wadatashiga iyo toosinta Jubbaland oo ay ku mideysanyihiin Aqoonyahanno,dhallinyaro iyo haween kasoo jeeda deegaanada Jubbaland kuwaasi oo sheegay in xilligan ay muhiim ay tahay in la taageero howlgalka uu ku baaqay madaxweyne Axmed  Madoobe.

Shamso C/qaadir Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka golaha oo ka mid ahayd masuuliyiintii ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in ka gole ahaan ay aad u taageersanyihiin howlgalka uu ku dhawaaqay madaxweyne Axmed Madoobe,waxaana ay sheegtay in qof walba oo Jubbaland kasoo jeeda uu ka qayb-qaato sida ay tiri.

Guddoomiyaha golaha wadatashiga iyo toosinta Jubbaland Maxamed Sheekh Aadan Xarbi oo isna hadal jeediyey ayaa waxaa uu tilmaamay in golahan uusan ahayn mid siyaasad iyo dana kale lagu wato balse uu yahay mid ka shaqeynaya aayaha iyo hormarka dadka Jubbaland ku nool isagoona intaa raaciyey in ay taageero dhinac walba ah ay la garab taaganyihiin howlgalka Shabaabka looga saarayo degmooyinka hoostaga Jubbaland oo ay ku jirto caasimadda maamulka ee Bu’aale oo hadda gacanta ugu jirta Al-shabaab,kulamo kala duwanna ay maalmahaan arintan ka yeesheen.

Kulamadan isdaba joogga ah ayaa imaanaya iyadoo dhawaan hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu iclaamiyey dagaal ku wajahan Shabaabka ku sugan Jubbada dhexe si gacanta maamulka ay usoo galaan degmooyinka maqan,waxaana uu hub,gaadiid iyo raashinba ku wareejiyey ciidamada loo diyaariyey duullaankan oo uu ku kula kulmay gobolka Jubada hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here