Maxkamadda Ciidamada oo labo ruux xukun dil ah ku fulisay

0
59

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa xukun dil ah ku fulisay labo shaqsi oo ka tirsanaa Shabaab,kuwaasoo lagu eedeeyay in ay dileen Nabaddoon Soomaaliyeed.

Cabdiraxman Ciise Cali Fiidow iyo Xasan Cali Xasan Keerow oo horay u dilay AUN Nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen ayaa saakay lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada.Maxkamada Ciidamada ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay toogashadda shaqsiyaad ka tirsan Shabaab,kuwaasoo lagu eedeeyay in ay dileen waxgarad iyo dad u shaqeya dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here