Taliye Boolis oo lagu dilay Muqdisho

0
45

Koox hubeysan ayaa Saakay waxaa ay Magaalada Muqdisho ku dileenTaliyaha saldhigga ee degmada warta-nabadda ee Gobalka Banaadir.
Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  Macalim Daahir, waxaa uuna dilka ka dhacay meel u dhow saldhiga degmada Warta Nabada.
Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday.
Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay.
Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku soo kordhay dilalka loo geysto Dadka Rayidka ah iyo askarta ka tirsan Dowlada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here