Guddoomiye Cusub Oo Loo Doortay Baarlamaanka Puntland

0
194

Waxaa lasoo gabagabeeyay tirinta codadka doorashada xildhibaanada Puntland ay ku dooranayeen guddoomiyaha baarlamaanka.

Labada nin ee isugu soo hartay wareega labaad ayaa kala helay codadka, Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) 43 cod iyo Cabdijamaal Cismaan 23 cod

Waxaa lagu dhawaaqay in Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) uu yahay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa dhawaan soo magacaabi doona Guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland oo la dooran doono 8-da Bishaan kuna beegan Talaadada soo socota.

Guddoomiyaha Maanta la doortay ee Baarlamaanka Puntland ayaa tiro ka Saddex jeer isku sharaxay xilkaas,ugu dambeena uu Maanta ku guuleystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here