Darawal Mooto Bajaajle Oo Goordhow La Dilay

0
218

Wararka Radio cadaado kasoo gaaraya duledka Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in mid ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajka ka Shaqeeya halkaasi uu ku dilay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dilka Bajaajlaha ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isbtaalka Macaane ee deegaanka Garas-baaleey duleedka Magalada Muqdisho,waxaana la sheegay in dilka uu yimid kadib markii askariga uu ka codsaday Bajaajlaha in uu qaado,hayeeshee uu ka diiday,kaidbna uu rasaas ku furay.

Qof ku sugan agagaarka Isbitaalka Macaani oo uu dilka ka dhacay ayaa u sheegay Radio cadaado in askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsaday,isla markaana Meydka Darawalka Mooto Bajaajlaha uu weli goobta yaallo.

Darawalka Mooto Bajaajlaha ee la dilay ayaa Goobjoogaha waxa uu Magaciisa ku sheegay in loo yaqaanay Carab,hayeeshee weli goobtii lagu dilay Meydkiisa uu yaalla oo aysan imaan eheladiisa.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli shalay Xaafada Faanoole ee degmada Kaaraan askari ka tirsan Ciidamada dowladda uu ku dilay Darawal Mooto Bajaajle,kadibna ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay dileen askarigii dilka geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here