Guddoonka Aqalka sare oo ku wajahan Kismaayo

0
27

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Somaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay tagaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubaland.

Guddoomiye C/Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay Kismaayo u tagayaan dadaalkii ay ka dhex wadeen dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada ee la xiriirka Khilaafka labada dhinac.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay in howsha ay ka dhex wadaan dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada ay mareyso meel gabo gabo ah.

Waxaa uu intaas ku daray in ay Kismaayo u tagayaan dhiraandhirinta heshiis laga gaaro Khilaafka dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada si dalku hal meel ugu wada jeesto.

Golaha aqalka sare ayaa Guddiyo kala duwan u kala diray dhamaan xarumaha dowlad Goboleedyada si ay warbixin uga soo dhegeystaan tabashada Dowlad Goboleedyada.

Golaha ayaa markii dambe soo saaray sideed qodob oo ay sheegeen in ay ku qotonto tabashada Dowlad Goboleedyada,waxaana ay Dowladda Federaalka ah ugu baaqeen in la soo gaba gabeeyo khilaafka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here