Wararkii Ugu Dambeeyey Qarax Xoogan Oo Galabta AMISOM Lagula Eegtay Muqdisho

0
26

Qarax Xoogan ayaa laga maqlay Degmada Heliwaa Ee Magaalada Muqdisho oo lala Eegtay Ciidamo katirsan AMISOM.

Nuuca Qaraxaas ayaa lagu sheegay miinada dhulka la geliyo oo lala Eegtay Kollonyo gaadiid ah ay wateen Ciidamada AMISOM oo marayey Isgoyska SOS.

Qaraxaas ayaa la sheegay in rasaas xigtay kadib markuu dhacay oo Afarta jiho ay ufureen ciidamada AMISOM,mana la oga khasaaraha qaraxa uu gaarsiiyey.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in Ciidamada la qarxiyey ay xanibeen isku socodka wadada laamiga ee udhaxeysa Suuqa xoola ilaa Ex Control Balcad.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada AMISOM isgoyska SOS Oo gaadiid ay wateen lagu weeraro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here