Dibadbaxyo ka socda gobolka Oromada

0
26

Dibadbaxyo ayaa ka socdaa ugu yaraan 10 magaalo oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana looga codsanaya dowladda inay wax ka qabato rabshadaha ka dhaca halkaasi.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay, in ka badan 30 qof ayaa lagu dilay gobolka Benishangul-Gumuz oo ku yaalla xadka Itoobiya uu la wadaago Suudaanta Koonfureed.

Dagaallada halkaasi ka dhacay waxaa ku dhintay 17 kamid ah ciidammada dowladda halka kumannaan qof ay ka barakaceen.

Dowladda federaalka iyo maamulada waxay sheegeen in colaadda ay hurinayaan dad kasoo horjeedo isbaddallada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ka socda Itoobiya oo uu garwadeenka ka yahay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen in xabsiga loo taxaabay in ka badan 200 qof oo lala xiriirinayo rabshadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here