Mareykanka oo Markale faahfaahiyay duqeyn ka dhacday gobolka Mudug

0
43

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu faah faahiyay duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka geysteen saldhig ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin degaano hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Duqeynta ayaa dhacday Saddexdii Maalmood ee lasoo dhaafay oo ay ugu dambeysay maalinimadii Shalay aheyd oo Markale duqeyn lala beegsaday degaanka Caad ee gobolka Mudug.

Mareykanka ayaa sheegay duqeyntan oo dhacday 21-kii bishan inuu ku dilay 7 xubnood oo argagixiso ah islamarkaana hadda la qiimaynayo haddii dad rayid ahi ay ku dhinteen duqeyntaasi.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in duqeyntii dhacday maalintii Talaadada Aheyd in lagu dilay 37 xubnood oo ka mid ah Shabaab ku sugan degaanada hoos yimaada degmada Xarardheere.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here