Jabuuti oo qorsheynaysa in Eritrea ay ka dacweyso Maxkamada ICJ

0
98

Maxamed Saciid Ducaale, oo ah safiirka Dowlada Jabuuti ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Muranka dhulka ah ee u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea lagu balamay in isla aado Maxkamada caalamiga ah ee ICJ kadib markii dowlada Jabuuti ay ka codsatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey inay ka taageeraan sidii loo xallin lahaa muran xuduudeedka kala dhaxeeya dalka Eritrea.

Waxaa uu sheegay Safiirka in dalkiisa uu doonayo in xal kama dambeys ah loo helo khilaafka xadka ee kala dhaxeeyo Eritrea iyo in lagu kala baxo qaanuunka dowliga ah.

“Djibouti waxaa ay golahu ugu yeertay iyada oo kaashaneysa taageerada xogheyaha guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah, oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda caadilga adduunka ee ICJ” ayuu yiri Ambassador Ducaale.

Dowladda Jabuuti ayaa horay u sheegtay in Arrimaha ay ku doodeyso ay qeyb ka tahay milkiyadda Jasiiradda Doumeira iyo 13 askari oo weli lagu la’yahay gacanta Eritrea.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqay in ay cunaqabateyntii ay ka qaadeen dowladda Eritrea ka dib markii dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay Codsadeen in laga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here