Ciidamo itoobiyaan ah oo gaaray Deegaano ka tirsan Gobalka Sool.

0
33

Sida ay sheegayaan Wararka Ciidamo ka tirsan dowlada Itoobiya ayaa la keenay magaalooyinka Saaxdheer iyo Dhumey oo ka tirsan Koofurta Gobalka Sool oo  ay dhawaan  ku dagaalameen labo beeleed oo wada dega deegaanadaasi.
Ciidamada ayaa loo geeyay  in ay ilaaliyaan nabad gelyada labada maleeshiyo ee dagaalamay, sida uu soo sheegayo Wariyaha KNN ee Magaalada Hargeysa.
Madaxda Soomaaliland oo weli kama hadlin ciidamada itoobiya ee tagay Deegaanada ka tirsan Koofurta Gobalka Sool.
Waa markii u horeysay ee Somaliland la keeno ciidamo ka tirsan Itoobiya si ay nabad galyada u ilaaliyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here