Saddex Ruux Oo Ku Geeriyootay Rasaas Lagu Furay Goob Ay Ku Sugnaayeen G/Shabeellaha Dhexe

0
18

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya rag hubeysan oo Gabaldhicii Caawa rasaas ku furay Goob maqaaxi ah oo ku taalla  deegaanka Maartuugo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kana mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay.

Dad ku sugan Miirtuugo ayaa Radio cadaado waxa ay u sheegeen in rag hubeysan oo watay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Homay loona maleynayo inay yihiin Al-Shabaab in ay maqaaxida oo aheyd mid mashquul badan ay rasaas ku fureen kadibna ay baxsadeen.

Inta la xaqiijiyay rasaastaas ayaa waxaa ku geeriyooday Saddex Ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada Dowladda iyo qof Shacab ah.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dableydii hubeysneed ay horay u sii qaateen laba qoray oo ay lahaayeen Ciidamada dowladda,kaidbna ay goobta isaga tageen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here