Nabadoon Xarrago Oo Xurriyadiisa Dib U Helay

0
19

Waxaa ku dhawaad todobaad kadib xurriyadiisii dib u helay  Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Bari,kaas oo mudo 5 Cisho ah ku xirnaa Xabsiga Magalada Boosaaso.

Nabadoonka ayaa waxaa xiiliga la xirayay laga qabtay koontoroolka Magalada Boosaaso,isaga oo ku sii jeeday qeybo ka tirsan gobolka Sanaag.

Nabadoonka ayaa sababaha horay loogu xiray waxaa lagu sheegay in uu dhaliilay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Iskaashiga ee ka qabsoomay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Isaga oo la hadlay Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland ayuu sheegay in xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan,isla markaana uu dib u helay xurriyadiisa.

Waxa uu sheegay in siideyntiisa ay ka qayb qaateen Maamulka gobolka Bari , kan degmada , waxgaradka iyo Siyaasiyiinta gobolkaasi Bari,waxaana uu u mahad celiayay cidkasta oo ka qeyb qaadatay siideyntiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here