XIISAD WALI KA TAAGAN WANLLAWEYN IYO KHASAARAHA DAGAALKII SHALAY

0
21

Ugu yaraan 4 Qof ayaa ku dhimatay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib dagaal shalay gudaha Degmada Wanllaweyn ku dhexmaray labo Malleeshiyo Beeleed.

Dadka dhintay iyo ku dhawaaca ah ayaa dhamaantood lagu sheegay in ay ka tirsanyihiin dhinacyada shalay ku dagaallamay magaalada.

Dagaalka ayaa ka billowday dhul Magaalada Banaankeeda ah oo ay isku qabsadeen labada dhinaca,waxaana uu sababay in gudaha magaalada lagu dagaallamayo.

Dhinacyadii shalay dagaallamay ayaa xalay ku hoyday goobihii ay shalay ku dagaallameen,waxaana saaka la sheegayaa in ay halkaasi wali casbi ka jirto.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in ilaa hadda aysan jirin cid kala dhexgashay dhinacyada dagaallamay iyada oo wararka qaarna ay sheegayaan in Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Garoonka Ciidanka Cirka ee Balli-doogle ay kala dhex galeen.

Dhaq dhaqaaqa Gaadiidka Wanllaweyn ka aadi jiray Baydhaba iyo dhinaca Afgooye ayaa saaka hakad ku jiro iyada oo wali malleeshiyaadka dagaallamay ay bartamaha magaalada wadajoogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here