Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay isaga oo garwaaqsan baahida loo qabo ilaalinta midnimada, isla markaasna tixraacaya shirkii ay bishan Oktoober yeesheen madaxada Dowlad Goboleedyada, wuxuu mar kale ku celiyay baaqiisii ku aaddanaa in shir wadatashi ah ay ka soo qeyb galaan Madxda Dowlad Goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan. Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed ahna afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu sheegay ilaa hadda in aysan arkin warqad martiqaad oo ka socota madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo si toos ah u soo gaartay, balse keliya lagu faafiyay baraha bulshada. “Warqadaasi annaga ma aanu arkin, balse baraha bulshada ayay dhex yaaceysaa, mar waxaa la leeyahay madaxweynaha ayaa qoray, marna wasiirka arrimaha gudaha ayaa qoray, annaga xafiiskeena weli ma soo gaarin warqadda, hadii ay soo gaarto ayaan ka hadli karnaa”. ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan. Wuxuu sheegay afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada inay ka war sugayaan go’aanka ay soo saaraan aqalka sare, isaga oo sidoo kale tilmaamay in mar walba ay diyaar u yihiin in la helo xal waara oo lagu dhameeyo tabashada jirta. Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa xoogeystay tan iyo markii magaalada Kismaayo ay golaha iskaashiga ku yeesheen shir wadatashi ah, ilaa haddana ma jirto isku soo dhawaansho labada dhinac ah.

0
63

Mulkiilihii kooxda Leicester City ayaa geeriyooday ka dib markii ay garoonka kubadda bannaankiisa ku burburtay diyaaraddii qumaatiga u kacasay ee uu watay, sida ay kooxdu xaqiijisay.

Srivaddhanaprabha oo milkiile ka ahaa Leicester tan iyo 2010 ayaa saarnaa diyaarada xilli ay isku dayayeen inay ka tagaan garoonka King Power Stadium.

Tobannaan kun oo ubaxyo iyo marooyin tacsi ah ayaa la dhigay meeshii uu shilkaasi ka dhacay.

Waxa uu goob joog u ahaa kulankii ay Leicester City barbaraha 1-1 la gashay kooxda West Ham, waxaana ay isku dayayeen inay garoonka ka tagaan nusa saac ka dib markii ay ciyaarta soo dhamaatay.

Laakiin islamarkii ay diyaarada ka dulmartay saqafka kore ee garoonka, waxaa soo wajahday cilad waxaana ay ku dhacday dhulka.

Labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha Srivaddhanaprabha oo lagu kala magacaabo Nursara Suknamai iyo Kaveporn Punpare ayaa sidoo kale ku dhintay sida ay xaqiijiyeen boliiska Leicesteshire.

Duuliyihii diyaarada Eric Swaffer ayaa isna ku dhintay si la mid ah Izabela Roza oo iyadana diyaarada saarneyd.

Warbixin ay goordhow soo saartay kooxda ayaa lagu yiri: “Anigoo ka xun islamarkaana ka qalbi jabsan ayaan xaqiijineynaa in gudoomiyaheena Vichai Srivaddhanaprabha uu ka mid ahaa dadkii ku dhaf waayay diyaaradii ku burburtay banaanka King Power Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here