Xildhibaanada Hirshabelle oo ka laabtay mooshinkii ay ka gudbiyeen Madaxweyne Waare

0
58

Kulan  ka dhacay xarunta madaxtooyada Hirshabelle ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed waxa uu ugaga dhowaaqay in mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ku tilmaamay ka noqoshada mooshinka in ay tahay mid ku tuseysa in xildhibaanada Hirshabelle ay marwalba diyaar u yihiin gudashada howlahooda.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo goob joog ka ahaa goobta loogaga dhowaaqayay mooshin ka noqoshada ayaa sheegay inay u ahayd canaan mooshinka isagana uu diyaar u yahay in uu dhagaysto dhaliilaha ay u soo jeedinayaan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle.

In kabadan konton xildhibaan ayaa labo habeen kahor waxa ay ka gudbiyeen  mooshin xil ka qaadis ah Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyagoo ku eedeeyay xil gudasho la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here