Lix qof oo ku dhimatay Shil ka dhacay degaanka Gawaan

0
34

Maamulka gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay in 6 qof ay ku dhimatay ka dib markii uu shil gaari Saaka ka dhacay Wadada u dhaxeysa degaanka Gawaan iyo sidoo kale degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

6 kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana hadda socda Gurmad loo sameynaayo dadka ay waxyeelado soo gaartay sidda uu Risaala u sheegay in mid ka mid ah Saraakiisha Gurmadka deg deg ah ee gobolka Mudug.

Gaariga rogmay ayaa siday Shamiito, waxaana la sheegay in markii rogmanaayay in uu ku socday Xawaare Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here