11 Dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Gedo.

0
77

wrarka  ka imaanaya inta u dhexeysa Degmooyinka Beledxaawo iyo Garbahaarey ee Gobalka edo ayaa sheegaya  in  Ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ay weerar ku qaaadeen Fariisin ay ku leeyihiin Degmooyinkaasi.

Jamaal Xasan Farey  Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland oo la hadlay VOA-da  ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen Fariisin ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al_Shabaab.

Sidoo Taliyaha ayaa waxaa sheegay in Shan askari ay ku geeryoodeen dagaalka ,halka ay ku dhaawacmeen 7 askari oo uu ku jiro Cabdi Cabdullaahi oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka.

Taliyaha ayaa  sheegay in ay dagaalka ku dileen 11 dagaalamayaal oo ka tirsan Al_Shabaab, islamarkaana ay ka gubeen gaadiid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here