Axmed Fiqi “Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Galmudug iyo Hirshabeelle haka shaqeeyaan danaha…

0
16

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Galmudug iyo Hirshabeelle inay ka shaqeeyaan danaha maamuladooda, iyadoo uu soo ifbaxayo xiisado siyaasadeed oo maamuladaas lugaha la galayo iyo mooshino is barbar socda.

Axmed Fiqi ayaa sheegay inay la gudboon tahay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Galmudug iyo Hirshabeelle inay la shaqeeyaan Madaxweynayaasha, si ka waxgaradsan qaabka ay hadda u dhaqmayaan.

Waxaa uu sheegay in hadaladii ay ka jeediyeen Furitaanka Kalfadhigii afaraad ay ka muuqatay in loo adeegsanayo burburinta maamuladooda.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ugu jawaabay hadaladooda ay u ekaayeen kuwo jiibis ah iyo balan-qaad, kaddib markii Madaxweynuhu sheegay inay labada Guddoomiye Baarlamaan ay kala shaqeynayaan danta Guud.

Khilaafka u dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ayaa u muuqda mid saameyntiisa siyaasadeed ee ka dhashay khilaafkaas inuu ku soo biyo shubtay oo kale maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle oo ah maamulada ugu yar shanta maamul goboleed, waxaana maamuladaas mar walba oo khilaaf ka dhex qarxa dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada hareeya mooshino laga keeno Madaxda maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here