Dhageyso:-Guddoomiye Cali Gacal Oo Ka Jawaabay Mooshin Laga Gudbiyey

0
68

Kadib markii Gelinkii dambe ee Maanta xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ay mooshin kalsooni kala noqosho ah ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa isla Maanta ka jawaabay guddoomiyaha.

Cali Gacal Casir oo Waraysi gaara siiyey RadioCadaado ayaa waxa uu sheegay in mooshinkaas aanan waxba ka jirin,isla markaana Xildhibaanada gudbiyey ay yihiin kuwo aan sharci ku dhisneyn

Waxa uu sheegay in xildhibaanada Galmudug ay gaarayaan 89 xildhibaan balse kuwa maanta shiray ay yihiin kuwo aan sisharci ah lagu soo xulin,isla markaana aan loo  dhaarin Xildhibaaninimo.

Waxa uu sheegay in waxa ka socda Magalada dhuusamareeb ay yihiin Arin Hareer Marsan Dastuurka Galmudug Wuxuuna Intaas Kudarey Inuu Horey  ugu tuntay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Hoos K Dhageyso Waraysiga Oo Dhameystiran

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here