TARTANKA KUBADDA CAGTA DEGMOOYINKA GOBALKA BANAADIR OO SI RASMI AH LOO FURAY SANADKAN 2018.

0
36

Xaflada furitaanka oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay, xubno ka socday wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha, Xiriirka kubadda cagta, Maamulka Gobalka Banaadir, Masuulyiiin ka socday Degmooyinka gobalka, Faaniin, Marti sharaf iyo Taageerayaal u daawasho tagay ciyaarta.

Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa daaha ka rogtay Tartanka kubadda cagta ee degmooyinka gobalka banaadir.

Labada Degmo ee Tartanka lagu daah furay ayaa kala ahaa Degmooyinka Waaberi oo difaacaneysa Tartankan iyo Degmada Dharkeenleey, waxaana ka muuqday ciyaartooyda labada dhinac Diyaar garow heer sare ah.

Ciyaarta ayaa la ciyaaray 70-daqiiqo maa daama waqti badan ay qaadatay xafladii furitaanka, qeybtii hore ayaana lagu kala baxay 0-0 oo labada degmo ay wax gool ah iska dhalin waayeen.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib loo baastay ayaa wax badan is badaleen, waxaana gool la timid Degmada Waaberi.

Waaberi waxaa hogaanka u dhiibay Laacibka Lambarka 3aad ee Saadaq oo Laad xor ah u dhaliyay.

Intaas waxii ka dambeeyay ciyaarta ayaa xiisaheeda sii kordhay waxaana Ciyaarta laga saaray mid kamida Ciyaartoydii Degmada Waaberi, kadib markii uu qalad ku galay mid kamida ciyaartooydii Degmada Dharkenleey, sidaas ayeena ku noqdeen 9-laacib.

Kaarkaas guduudan kama niyad jabin ciyaartoydii Degmada waaberi waxaana dhamaadkii ciyaarta ay layimaadeen goolkii ay ku quusiyeen dhigooda Dharkeenleey.

Goolkaas oo ahaa mid aad u qurux badan waxaa waaberi u saxiixay xiddigooda Lambarka 10aad.

Guud ahaan ciyaarta ayaana kuso dhamaatay 2-0 oo guusha ay ku raacday Degmada Difaacaneysa Tartanka ee Waaberi.

Ciyaarta kaddib, Tababaraha Degmada Waaberi Maxamed Abuukar oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay guusha ay ku bilowdeen in ay siineyso Kalsooni dheeri ah, waxaana uu intaas kusii daray in Sanadkaan ay difaacan doonan Koobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here