Gabdho Soomaaliyeed oo ku guuleystay doorasho ka dhacday Mareykanka

0
45

Doorashada xalay ka dhacday Mareykanka ayaa Soomaalida ku guuleysatay waxa ay kala yihiin Ilhaan Cumar oo ku soo baxday golaha Congres-ka dalka Mareykanka, Hodan Xasan oo ku guuleysatay golaha Congress-ka gobolka Minnesota iyo Maxamuud Nuur oo ku guuleystay kursigii ay horey u baneysay Ilhaan.

Ilhaan Cumar oo horey uga mid aheyd Aqalka Wakiilada ee gobolka Minnesota ayaa waxa ay doorashadaasi ka heshay 59,322 oo u dhiganta 48.1%, sida lagu sheegay natiijada oo markii dambe la soo dhejiyay.

Ilhaan Cumar oo la hadashay warbaahinta ayaa waxa ay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay guushan, waxayna tilmaamtay inay guushaan gaarto inay ugu suuragashay isku duubni iyo inay sameysay balan qaadyo ah inay wax badan ka qaban doonto caqabadaha heysta Soomaalida.

Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa aad u soo dhaweeyay guusha ay soo hoyeen Saddexdan qof ee Soomaaliyeed, maadaama mararka qaar dalka Mareykanka ay ka dhacaan falal ku saabsan isir naceybka, taasi ayay aaminsan yihiin inay wax badan ka qaban doonaan.

Kursiga ay ku soo baxday Ilhaan Cumar oo ahaa mid is reeb reeb ah ayaa waxaa doorashadiisa guud la qaban doonaa bisha November ee soo socota, waxayna la tartami doontaa cidii ka soo baxda xisbiga Republican-ka ee dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here