Xiliga la qabanayo Doorashada maamulka Puntland

0
36

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta Shaaciyay xilliga ay dhici doonto doorashadda maamulkaasi, Maadaama Muddo xileedka Madaxda Puntland uu dhamaad ku dhow yahay.

Baarlamaanka Puntland waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in 8 January 2019 la qabanayo doorashada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne Ku-xigeenka, halka 31 September ee 2018 la kala dirayo Xildhibaanada.

Xubnaha Baarlamaanku sidoo kale waxay muddo xileedkii u kordhiyeen guddiga doorashooyin kumeelgaarka ah ee doorashooyinka maamulka Puntland oo shaqadoodu tahay doorashooyinka Dowladdaha Hoose.

Diyaar garowga doorashadda ayaa hadda ka socota degaano badan oo ka tirsan maamulka Puntland, waxaana Garowe ku sugan Musharaxiin aad u badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here