KOOX CUNSURIYIIN AH OO CARQALADEEYAY MUNAASABAD AY LAHAYD ILHAN CUMAR.

0
45

Koox cunsuriyiin ah oo u dhashay Dalka Mareykanka ayaa carqaladeeyay munaasibad olole doorasho oo ay lahaayeen Gabadha Soomaaliga ah ee Ilhan Cumar iyo Gabar Reer Falastiin ah oo lagu magacaabo Rashida Tlaib.

Labada Gabdhood ee Muslimiinta ah waxaa ay u tartamayaan kuraas kala duwan,waxaa ay Minnesota ku qabsadeen xaflad ololaha doorashada ay kula hadli lahaayeen taageerayaashooda laakiin waxaa hor istaagay kooxda cunsuriyiinta ah oo ay hoggaamineysay  Haweeney lagu magacaabo Laura Loomer, oo uu Muslim naceybka ku badan yahay.

Laura Loomer,waxaa ay horay u ahayd Maareeye Mashruuc oo ka tirsan Hay’adda faafisa Kiristaanimada ee Veritas,hadda waxaa ay u ololeysaa ka hortagga Muslimiinta Mareykanka.

Markii ay munaasibadda Carqaladeeyeen kaddib waxaa ay Twitter-keeda ku soo qortay “waxaa n ka hortagay hadal ay jeedin lahaayeen Ilham Cumar iyo Rashida Tlaib, oo ah Gabdho taageera ka hela Xamaas,waxaan soo wadaa muuqaalkii aan ku hor istaagay.”

Gabadha Reer Falastiin ee  Rashida Tlaib,waxaa u tartameysaa Kursiga Kongareeska ee Gobolka   Michigan,halka Ilhaan Cumar ay u tartameyso Kursiga Kongareeska ee Gobolka Minnesota.

Labada Gabdhood kama hadlin wali carqaladda loo geystay munaasibaddii ay taageerayaashooda kula hadli lahaayeen.

Qaar ka mid ah taageerayaashooda ayaa u sheegay Warbaahinta in ay ka xunyihiin waxa dhacay,islamarkaan cunsiriyadda aysan boos ku lahayn Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here