KOOFUR GALBEED OO BAADI GOOBEYSA SHAQAALAHA BISHA CAS EE BAYDHABO LAGA AFDUUBTAY.

0
76

Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed, ayaa gaaray deegaanka Busleey ee Gobolka Baay Busleey waxey 24KM ujirtaa Magaalada Baydhabo.

Wasiir kuxigeenka amniga Koofur Glabeed C/risaaq Cabdi Maxamed, ayaa usheegay  warbaahinta  iney wadaan dadaalo ku aadan sidii dib xoriyadooda ay ugu heli lahaayeen Shaqaalaha hay’ada Bisha Cas.

Waxa uu wasiirka sheegay, in Ciidamadoo oo ka kala dhaqaaqay Baydhabo iyo Awdiinle ay isugu tageen halka ay tuhunsanyihiin in lagu heysto Shaqaalaha Bisha Cas, ayna wadaan baadi goobka shaqalaaha maqan.

Shaqaalaha la afduubtay oo shan ahaa ayaa 3 Kamid ah waxa ay ahaayeen Dumar, halka labada kalena ay ahaayeen Rag, sidaas waxaa sheegay Wasiir kuxigeenka amniga.

Majirto, wali cid sheegatay masuuliyada AFduubka Shaqaalaha Bisha Cas, waloow Koofur Galbeed ay ku eedeysay iney ka dnabeeyaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo hore sidan oo kale u afduubtay Shaqaale caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here