Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday Askar dhac geystay

0
91

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sidda ayaa xukun min shan sano ah ku ridday Askar ka mid ah Dowladda Soomaaliya oo dhac hubeysan u geystay Xarumo Sharikadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur SHuute ayaa ku dhawaaqay in C/Kariin Muuse Muxiyaddiin iyo Aweys Faarax Maxamuud, oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay dhac u geysteen Xarumaha Sharikadda Hormuud ee Kaawo godey oo degmada Wadajir ka tirsan iyo laanta KM13 ee duleedka Muqdisho.

Waxaa lagu eedeeyay in lacag ku dhow $15,000 oo doollarka Mareykanka ay dhaceen islamarkaana la soo qabtay iyaga oo heysta qaar ka mid ah lacagtaas.

Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dhacaas kala duwan ay geysteen taariikhda kala ah; 2-6-2018 Hormuud Kawo Godey iyo 7-7 2018-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here